Home Federaalka Madaxwaynihii hore Soomaaliya Farmaajo oo ka hor-yimid wax ka badalka dastuurka

Madaxwaynihii hore Soomaaliya Farmaajo oo ka hor-yimid wax ka badalka dastuurka

0

MUQDISHO – Madaxwaynihii 9aad ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag waxa uu uga hor-yimid wax ka badalka dastuurka ee ay waddo dowladda haatan xilka haysa.

“Dastuurka in la dhameystiro cid diidan ma jirto laakiin dastuur cusub looma baahna. Marka waxaa ku talinayaa in arrinka Dastuurka ay dadka isku keento balse looma baahna in ay kala geyso,” ayuu ka shanqariyay.

Wuxuu ku daray: “Dalka weli wuxuu ku jiraa Chapter 7, haddii aan annaga is qaban weyno, waxaa qasab ah in beesha caalamka garba-duub noo qabato waa haddii dan nagala leeyahay, haddii aan dan nagala laheyn oo nala sii daayo, dee qof walba tuuladiisa iyo xoolihiisa ayuu iska raacanayaa, Qaranimadana uu halkaas ayay nooga burbureysaa”.

Hadalka Farmaajo ayaa waxa uu kusoo beegmayaa iyadda oo baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu sii waddo ka dooditaanka qodobada wax ka badalka dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version