MUQDISHO – Dalal ay ku jiraan Maraykanka, Japan iyo Ruushka ayaa cafiyay in ka badan 2 bilyan oo dollar oo kamid ah deymihii lagu lahaa Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Paris Club.
Tani was tallaabo muhiim ah oo laga gaaray dadaallada uu dalku ku doonayo inuu dib ugu soo laabto nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.
Paris Club waa hay’ad ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Faransiiska oo xoghayn u ah wadamo badan oo deyman bixiyeyaal ah.
Soomaaliya ayaa bishii December buuxisay shuruudihii ay ku xireen Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka.
Guushan ayaa ka dhigan Soomaaliya ay xaqiijisay in 99% laga cafiyo deymihii ay ku lahaayeen dalalka loo yaqaano kooxda Paris Club.
Soomaaliya ayaa kusoo laabaneysa nidaamka maaliyadeed kadib in ka badan 30 sano ay kaga maqneyd xasillooni darro iyo dagaallo sokeeye.
