Home JUBBALAND Alshabaab oo dagaalamayaal badan looga dilay & hub looga furtay dagaal ka...

Alshabaab oo dagaalamayaal badan looga dilay & hub looga furtay dagaal ka dhacay Buulo Xaaji

0

Buulo Xaaji  – Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa saakay aroortii hore weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday fariisimo ciidanka xoogga iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ku lahaayeen deegaanka Buuloxaaji ee gobolka Jubadda Hoose.

Sidoo kale, qaraxyada kaddib Al Shabaab ayaa weerar dhinaca dhulka ah ku galay deegaanka Buuloxaaji, hasa ahaatee ciidanka ayaa difaac adag xirtay iska caabiyay kooxdii weerarka kusoo qaaday saldhigyadii ay joogeen.

Dhanka kale, saraakiisha ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland ayaana sheegay in weerarkii Al Shabaab la fashiliyay, waxa ayna xuseen in Al Shabaab weerarkaasi cashir lagu siiyay lagana dilay xubno badan sidoo kale laga furtay hubkii ay wateen.

Ugudambeyn, meydadka xubno badan oo katirsanaa kooxda Al Shabaab ayaa goordhaw lagu soo bandhigay deegaanka Buuloxaaji, waxaa sidoo kale lasoo bandhigay hub badan oo Al Shabaab dagaalka looga qabsaday.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version