Home Federaalka Suuqa ugu weyn duleedka magaalada Muqdisho oo gubtay

Suuqa ugu weyn duleedka magaalada Muqdisho oo gubtay

0

MUQDISHO – Waxaa Saacado badan gubtay Suuqa weyn ee Xaafadda Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee Degmada Garasbaaleey ee Gobolkaan Banaadir.

Suuqaan ayaa la wariyay in dhammaantii uu dhulka dhigay dabka qabsaday Suuqaas, sida dadka degaanka ay u sheegeen Arlaadi Media.

Gubashada Suuqaan ayaa dhaliyay kaddib markii Waaberiiskii Saakay lagu weeraray laba qarax oo illaa haatan aanan la garan karin kooxda fulisay.

Kaamirooyinka Amniga ayaa maalmihii lasoo dhaafay lagu xiray suuqa taas ayaana loo sababeyn karaa in ay ka dambeysay weerarka lagu qaadey.

Todobaadyo ka hor ayaa sidaan oo kale waxaa loo gubay, qaraxyana lagu weeraray Suuqyada Marwa iyo Safa ee Deegaanka Ceelasha Biyaha.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version