Thursday, August 27, 2026

Mareykanka oo Soomaaliya Ku Booriyay “Midnimo Siyaasadeed” Si Loo Wiiqo Argagixisadda

Share

NEW YORK, Mareykanka — La-taliyaha Sare ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Massad Boulos, ayaa fahfaahiyey kulankii ay magaalada New York kula yeesheen madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitter-ka ee haatan loo yaqaano X ayuu ku caddeeyay in kulankooda uu ahaa mid muhiim ah oo ay ku lafagureen mawduucyo khuseeya gudaha Soomaaliya iyo Gobolka Geeska Afrika.

Boulos ayaa shaaca ka qaaday in ay kawada hadleen arrimo ay kamid tahay la dagaalanka argagixisadda iyo sida ay muhiim u tahay in la helo midnimo siyaasadeed si guul looga gaaro gulufka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Boulos wuxuu sheegay in labada dhinac ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in la ilaaliyo danaha labada dal, iyadoo la marayo wadashaqeyn amni iyo mid siyaasadeed oo miro-dhal ah.

Sikastaba ha ahaatee, kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay wajahayso kala guur siyaasadeed iyo hubanti la’aan ku wajahan nooca ay noqoneyso doorashadda 2026-ka taasoo kamid ah waxyaabaha Beesha Caalamka ay walwalka ugu badan ka qabto.

Read more

Local News