Home Federaalka Wararka Gudaha Xasan Sheekh, Aadan Madoobe iyo Laftagareen oo ku kulmay Muqdisho

Xasan Sheekh, Aadan Madoobe iyo Laftagareen oo ku kulmay Muqdisho

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa maanta waxaa ka dhacay labo kulan kala gaar-gaar ah.

Kulanka koowaad ayaa dhexmaray madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, Gudoomiye Aadan Madoobe iyo Madaxwayne Cabdicasiis Laftagareen.

Si dhab ah looma xaqiijin karo, arrimaha looga hadlay shirkan. Hase ahaatee, warar horudhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in lagu soo hadal-qaadey xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, kulanka labaad waxa uu u dhaxeeyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubihii ka baxay Madasha Samabixinta ee madaxwayne hore Shariif Xasan, ra’iisul wasaare hore Cumar Cabdirashiid, gudoomiye hore Maxamed Mursal iyo wasiir hore Daahir Geelle.

Wadahadalkan labaad ayaa waxaa la sheegay in isagana diiradda lagu saarey xaalada siyaasadeed ee dalka si gaar ah doorashooyinka iyo ammaanka.

Madaxtooyadda Koonfur Galbeed ayaa u sheegtay Arlaadi Media Network in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhaxeeya labada kulan ee maanta qabsoomay.

Sikastaba ha ahaatee, shirarkan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad kala guur doorasho ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version