Home Federaalka Dowladda Jarmalka oo aqoonsatay Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Soomaaliya.

Dowladda Jarmalka oo aqoonsatay Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Soomaaliya.

0

Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Baasabaroorka Diblumaasiga ah ee Soomaaliya, waxaa tallaabadaan soo dhaweysay Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda.

Tallaabadaan ayay Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya ayaa tallaabadaan ku tilmaamtay mid diblumaasiyeed isla markaana fududaynaysa gelitaanka iyo degenaashiyaha dalkaas mar haddii uu aqoonsaday Baasaboorka Diblumaasiga ah.

“Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay go’aanka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Jarmalka ay ku aqoonsatay Baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya, kaas oo lagu daabacay Wargeyska Rasmiga ah ee Dowladda Jarmalka (Bundesanzeiger) 1-da December 2025” ayaa lagu yiri qoraalka HSJS.

Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya ayaa tallaabadaan ku tilmaamtay “mid caddayn u ah horumarka joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga dukumentiyada safarka, casriyeynta adeegyada, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal sida hadalka loo dhigay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version