Home Federaalka Shiinaha oo Casuumaad u Fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

Shiinaha oo Casuumaad u Fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya.

0

Dowladda Shiinaha ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay Madaxweynaha Soomaaliya, si uu booqasho ugu tego dalkaas, iyada oo sidoo kale tilmaamtay inay garab taagan tahay midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha dibadda, Wang Yi.

Casuumaaddan waxay ku saabsan tahay ka-qaybgalka Shirka Labaad ee Shiinaha iyo Dowladaha Carabta.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka siyaasadeed iyo is-dhexgalka shucuubta ee u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Casuumaadda ayaa la gudbiyay kaddib wada-hadal taleefoon oo Axaddii dhex maray Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Wang Yi iyo dhiggiisa Soomaaliya Cabdisalaam Dhaay.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version