Muqdisho, Soomaaliya – Shirkada isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa kahadashay burburin ay sheegtay inay geysteen ciidanka Kenya ee nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya.
Sida ay Shirkadu Sheegtay; Ciidanka Kenya ayaa burburin ugeystay xaruntii shirkadda Hormuud ee deegaanka Dhuyac-garoon ee gobolka Jubbada Hoose.
Shirkada ayaa tilmaantayin falkaan ay geysteen ciidanka Kenya uu yahay mid ulakaca ah si lamid ah sidaan oo Kalana horay ay burburin ugu geysteen January 2019 kii.
Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ayaa carabaabtay Khasaaraha kadhashay burburinta xarunteeda deegaanka Dhuyac garoon, iyadoo tibaaxday in ilaa 30,000 oo qof oo kunoolaa deegaanka Dhuyac garoon iyo agagaaradeeda ay waayeen adeegyadii isgaarsiineed iyo maaliyadeed ee ay kaheli jireen shirkadda.
Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa xustay inay sii wadeyso, una taagantahay marwalba inay si hufan oo masuuliyad leh ugu adeegto dalkeeda, iyo dadkeeda, ayna sii wadeyso bixinta adeegyada ay bulshada uhayso.

