Home Federaalka Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maalinka Barri Ah Umadlan Ansixinta Dhameystirka Waxkabadalka Dastuurka

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Maalinka Barri Ah Umadlan Ansixinta Dhameystirka Waxkabadalka Dastuurka

0

Muqdisho, Soomaaliya – Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maalinka barri ah oo Arbaca ah umadlan ansixinta dhameystirka waxkabadalka dastuurka, gaar ahaan cutubyada 10 aad ilaa 15 aad.

Labada aqal ee baarlamaanka ayaa loo diray anjadayaasha kulanka ee barri iyadoo ay taagantahay xasarad kadhalatay ansixinta dastuurka.

Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa uyeertay xildhibaanda kumatala labada gole ee baarlamaanka, iyadoo ay xusid mudantahay in xildhibaanada labada gole ee kasoo gala Jubaland ay kusuganyihiin magaaladda Kismaayo, halkaaso madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu kulan wadatashi ah ugu yeeray islamarkaana ay ajiibeen oo ay gaareen Kismaayo.

Si lamid ah madaxweynaha Puntand Siciid Cabdullaahi Dani ayaa isna xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka kasoo gala Puntland isugu yeeray kulan wadatashi ah hase yeeshee markii ay Muqdisho kakacday diyaarad siday dad shacab ah iyo xildhibaanada laga soo doorto Puntland ayaa ay dib ugu soo laabatay halkii ay ka kicitantay ee Muqdisho, iyadoo xildhibaanada laga joojiyay inay dhoofaan dowlad goboleedyada inta laga gaarayo maalinka Arbacada ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Dani iyo Golaha Mustaqbalka ayaa siwadajir ah ucambaareeyay talaabada ay dowladu kucelisay diyaarada ay saarnaayeen xildhibaanada kasoo jeeda maamulkaas, madaxweynaha Puntland ayaana kutilmaamay falkii ay dowlada Soomaaliya kucelisay diyaarada inuu ahaa mid halis galinaya nafta lana iskala xisaabtami doono wixii dhacay.

Wasaarada Duulista iyo garoomada Puntland ay soo saartay qoraal ay shirkada diyaaradaha daallo kaga mamnuuceyso inay kahowlgasho garomada maamulka Puntland.

Ansixinta waxkabadalka dastuurka ee ay xukuumadda Soomaaliya sida weyn udooneyso ayaa waxaa dhinaca kale uu lakulmayaa diidmo iyo dhaleeceyn kaga imaaneysa Golaha Mustaqbalka oo iyagu kutilmaamay shaar uu tolanayo madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxmuud iyo qorshe uu ku sameysanayo muddo kororsi.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay umeel mariyay ansixinta afarta cutub ee ugu horeysa dastuurka, hadana umadlan maalinka barito ah dhameystirka cutubyada harsan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version