Home Federaalka Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ucodeeyay Waxkabadalka Dastuurka

Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ucodeeyay Waxkabadalka Dastuurka

0

Muqdisho,Soomaaliya – Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeennada labada aqal.

Ugu horrayn, Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Senator Cabdiraxmaan Barre Cusmaan oo si rasmi ah uga mid noqday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka.

Intaas kaddib, mudanayaasha labada aqal ayaa mid mid ugu codeeyay cutubyada dastuurka, iyadoo sidoo kale mudanayaasha labada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen cutubyadaas, waxaana ansixinta dastuurka oggolaatay 222-xildhibaan, oo ahaa tiradii guntanka ama kooramku uu ku furmay kulanka maanta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray ayaa xildhibaannada labada aqal uga mahadceliyay doorkii ay ka qaateen ansixinta Dastuurka, isaga oo xusay in Baarlamaanka 11-aad uu maanta gutay waajibaad qaran oo ay muddo dheer ka sugayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka wuxuu ku dhawaaqay in si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kalfadhigii 7-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, labadiisa aqalba.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version