Home Federaalka Danjiraha Soomaaliya Ee Tanzania Iyo Wakiilka EAC Oo Kaqeybgalay Shirka 59 aad...

Danjiraha Soomaaliya Ee Tanzania Iyo Wakiilka EAC Oo Kaqeybgalay Shirka 59 aad Ee Golaha Wasiiradda EAC

0

Arusha Tanzania – Danjire Ilyaas Cali Xasan, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Tanzania isla markaana ah Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Urur-Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC), ayaa maanta Soomaaliya ku metelay Shirka 59-aad ee Gaarka ah ee Golaha Wasiirrada EAC oo ka dhacay Xarunta EAC ee magaalada Arusha.

Wasiirrada dalalka xubnaha ka ah EAC si ay uga wada hadley arrimo la xiriira isdhexgalka gobolka, hirgelinta go’aannada Shir Madaxeedka.

Soomaaliya waxay mar kale xaqiijisay ka go’naanteeda xoojinta iskaashiga gobolka, isdhexgalka dhaqaale, iyo nabadda iyo xasilloonida Bulshada Bariga Afrika.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version