Muscat, Oman – Mas’uuliyiin ka kala socday Cumaan iyo Iiraan ayaa Axada manta ah yeeshay wadahadallo ku saabsan mabaadi’da hagaysa xorriyadda maraakiibta ee marinka Hormuz, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Cumaan.
Wadahadalladan ayaa ka dhacay magaalada Muscat intii lagu guda jiray kulan dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan Badr Albusaidi iyo Ku-xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan ee Arrimaha Sharciyada iyo Caalamiga ah Kazem Gharibabadi, oo booqasho ku jooga dalkaas isaga iyo wafdi diblomaasiyadeed iyo sharciyaqaano ah.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda, kulankan ayaa yimid kadib markii Gharibabadi uu gudbiyay farriin afka ah oo uga timid Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araghchi, taasoo la xiriirtay xaaladaha gobolka iyo wadahadallada socda ee u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka oo ay dhexdhexaadinayso Pakistan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in “kulanka kadib la qabtay fadhi ballaaran oo dhexmaray wafdiyada Cumaan iyo Iiraan si looga doodo mabaadi’ hagaysa xorriyadda maraakiibta ee marinka Hormuz, iyadoo la waafajinayo qawaaniinta sharciga caalamiga ah.”
Labada dhinac ayaa sidoo kale “is dhaafsaday aragtiyo iyo fikrado la xiriira xaaladaha cusub iyo baahida loo qabo in la dhiso lana horumariyo awoodaha” lagu xaqiijinayo “badqabka isu socodka maraakiibta, ganacsiga iyo silsiladaha sahayda.”
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen dadaallada lagu soo celinayo “xorriyadda maraakiibta ee marinka Hormuz si ammaan iyo waara ah.”
Dhanka kale, wakaaladda wararka Tasnim ayaa Axaddii sheegtay in heshiis is-afgarad ah oo suuragal ah oo u dhexeeya Iiraan iyo Mareykanka uu ku jiri doono joojinta dagaallada dhammaan jihooyinka.
Arrintan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay ku jirto weerarrada Israa’iil ay ka waddo Lubnaan, halka Washington ay oggolaan doonto in cunaqabateynta saaran shidaalka Iiraan la fududeeyo inta ay soconayaan wadaxaajoodyada.
Haddii heshiiskaas la gaaro, marinka Hormuz si buuxda uguma laaban doono xaaladdii uu ahaa kahor dagaalka, balse tirada maraakiibta loo oggolaanayo inay maraan ayaa lagu soo celin doonaa heerkii hore muddo 30 maalmood gudahood ah, sida ay sheegtay Tasnim.
Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Iiraan ay adkaynayso fulinta xuquuqdeeda madaxbannaanida ee marinka Hormuz iyadoo adeegsanaysa habab kala duwan, kuwaas oo faahfaahintooda dib laga shaacin doono.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Sabtidii sheegay in heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Iiraan uu “intiisa badan la isku afgartay” islamarkaana la sugayo dhammeystirkiisa.
Horumarkan ayaa yimid kadib booqashadii uu Tahran ku tagay taliyaha ciidamada Pakistan Asim Munir, taasoo ahayd booqashadiisii labaad toddobaadyadii u dambeeyay. Xabbad-joojin dagaalka oo billowday 28-kii Febraayo ayaa markii ugu horreysay Pakistan dhexdhexaadisay 8-dii Abriil.

