Caracas, Venezuela – Boqolaal maxaabiis ah ayaa la wareegay xabsi ku yaalla magaalada Barinas ee galbeedka Venezuela, kadib mudaharaad ay kaga cabanayeen jirdil iyo tacaddiyo ay sheegeen inay kala kulmaan maamulka xabsiga.
Qiiq madow ayaa cirka isku shareeray kadib markii maxaabiistu dab qabadsiiyeen agab gudaha xabsiga yaallay, halka qaar ay fuuleen saqafka sare iyagoo dalbanaya in la joojiyo jirdilka iyo tacaddiyada.
Ciidamada ka hortagga rabshadaha ayaa hareereeyay xarunta xabsiga ee Barinas, oo qiyaastii 500 kiiloomitir u jirta caasimadda Caracas, si ay xaaladda u xakameeyaan.
Qoysaska maxaabiista ayaa iyaguna isugu soo baxay meel u dhow xabsiga, iyagoo muujiyay walaac ku saabsan xaaladda gudaha. Hooyo kamid ah ehellada maxaabiista ayaa sheegtay in wiilkeeda aan wax war ah laga helin muddo saddex toddobaad ah, iyadoo ku eedeysay maamulka xabsiga garaacis, koronto lagu ciqaabayo iyo dhibaatooyin kale.
Ururka Venezuelan Observatory of Prisons ayaa sheegay in ku dhawaad 1,200 maxbuus iyo in ka badan 100 haween ah ay bilaabeen mudaharaad gudaha xabsiga, iyagoo ka cabanaya xaalado adag iyo xadgudubyo bani’aadannimo.



