Monday, May 25, 2026

Dalxiisayaal Oo Lagu Dilay Beerta Qaran Ee Koonfur Afrika

Share

Johannesburg, South Africa – Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay gudaha gudaha beertaa qaran ee dalxiiska iyo duurjoogta “Kruger National Park” kadib markii laba dalxiise meydkooda laga helay.

Labada qof ee la dilay, oo kala ahaa nin 71 jir ah iyo haweeney aan da’deeda la shaacin, ayaa la waayay kadib markii ay ku soo laaban waayeen hoygooda fiidkii Arbacada, taasoo keentay in la bilaabo baadigoob ballaaran.

Meydka labadan dalxiise ayaa ugu dambeyn laga helay webi, iyadoo boolisku sheegay in ninka uu watay dhaawacyo mindi ah halka haweeneydana ay jirkeeda ka muuqdeen dhaawacyo garaacis ah, isla markaana gaarigoodii la waayay.

Maamulka “South African National Parks” ayaa sheegay in la kordhiyay ilaalada iyo kormeerka, sidoo kalena la xoojinayo nidaamyada amaanka.

Waa markii ugu horreysay taariikhda in dalxiisayaal lagu dilo gudaha Kruger National Park, oo ka mid ah keydka ugu weyn Koonfur Afrika.

Read more

Local News