New Delhi, India – Rubio oo warbaahinta kula hadlay magaalada New Delhi ee caasimadda Hindiya ayaa sheegay in wadahadallada Iraan iyo Mareykan ay weli socdaan.
Wuxuu sheegay in habeenkii hore la filayay horumar, balse aysan weli dhammaan dadaalladii lagu gaari laha heshiis u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.
Rubio ayaa xusay in qorshaha dib loogu furayo Marin Biyoodka Hormuz iyo arrimaha nukliyeerka ay weli miiska saaran yihiin, isagoo rajeynaya in heshiis la gaari karo.
Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxweyne Donald Trump uusan aqbali doonin heshiis aan wanaagsanayn, isla markaana Mareykanku ka faa’iideysan doono fursad kasta oo diblomaasiyadeed.
Inkasta oo horumar la dareemayo, Rubio ayaa caddeeyay in weli aan la gaarin heshiis kama dambeys ah oo rasmi ah.

