Beirut, Lebanon – diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa saddex weerar ka fuliyay waddooyinka Kafr Rumman–Jarmak iyo Jarmak–Hardali ee gobolka Nabatiyeh tan iyo subaxnimadii Sida ay sheegtay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Lubnaan ee NNA.
Inkastoo xabad joojin ay dhaqan gashay 17-kii Abriil, isla markaana lagu kordhiyay muddo 45 maalmood ah laga bilaabo 17-kii Maajo, ciidamada Israa’iil ayaa weli sii wada weerarrada ay ka geysanayaan gudaha Lebanon.
Weeraradaas ayaa sababay dhimashada saddex qof, kuwaas oo la sheegay in lala beegsaday mooto iyo laba gaari.
Inkasta oo xabad joojin jirto, ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale hanjabay in ay beegsan doonaan ku dhawaad 10 magaalo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan, iyagoo dadka degan ugu baaqay inay ka fogaadaan guryahooda.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa hore u sheegtay in in ka badan 3,100 qof ay ku dhinteen duqeymaha Israa’iil tan iyo bilowgii xaaladda, iyadoo xiisadda labada dhinac ay weli sii socoto inkastoo dadaallo dhexdhexaadin ah socdaan.

