Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgallo amni oo laga fuliyay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe lagu dilay 28 qof ka tirsan kooxda Argagixisada Al-Shabaab.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in duqeyn laga fuliyay gobolka Hiiraan lagu dilay Cabdiraxmaan Cabdi Mudallib, oo ka tirsanaa horjoogeyaasha Al-Shabaab ee gobolkaas, iyo shan xubnood oo kale.
NISA ayaa sheegtay in Mudallib uu door ku lahaa qorsheynta iyo abaabulka weerarro lagu beegsan jiray degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in xog sirdoon lagu ogaaday in ku dhawaad 70 dagaalyahan ay isugu soo urureen deegaanka u dhow Masaajid Cali Gaduud, iyagoo hubeysan isla markaana qorsheynayay falal amniga lagu carqaladeynayo.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalladani ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab laguna xoojinayo amniga dalka.

