Home Federaalka Furitaanka Kalfadhiga Sideedaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Shaaciyay

Furitaanka Kalfadhiga Sideedaad Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo La Shaaciyay

0

Muqdisho, Soomaaliya – Furitaanka kalfadhiga 8 aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa loo asteeyay inuu qabsoomo 01 da bisha August.

War qoraal ah oo lagu faafiyay mareegta Golaha Shacabka ee Facebook ayaa lagu sheegay in “Gudoonka labada aqal ee baarlamaanku kulamo wadatashi ah ka yeesheen furitaanka kalfadhiga 8 aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana go’aamiyeen in kalfadhiga 8 aad ee Baarlamanka 11aad uu rasmi ah furmi doonno maalinta Sabtida ah taariikhduna ku beegan tahay 1 Agoosto 2026”.

Furitaanka kalfadhiga 8 aad ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo kalfadhigii 7 aad ku ansixiyeen wax ka badal ay ku sameeyeen dastuurkii dalka isla markaana ansixiyeen dastuur cusub kaas oo dhaliyay dood badan kana kooban 15 cutub 04 ta bishii March ee sanadkan.

Dastuurka cusub ee ay fadhigoodii hore ku ansixiyeen ayaa u dhigaya in xukuumadda muddo xileed keeda lagu kordhiyay hal sano uuna yahay 5 sano.

Dhanka kale furitaanka kalfadhiga 8 aad ee labada gole ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in lagua galo doorashada gudoomiyaha Golaha Shacabka kagadaal markii gudoomiyihii golaha afartii sano ee lasoo dhaafay shir gudoominayay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe loo doortay hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed 10 ka bishii June.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa noqotay ku simaha gudoomiyaha tan iyo inta si rasmi ah loo dooranayo gudoomiyaha badakaya gudoomiyihii hore.

Loolanka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa durba laga dareemay gudaha xildhibaanada, iyadoo masuuliyiin ay kamid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, wasiirka dakadaha iyo gaadiidka badda iyo wsiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha isu soo taageen qabashada xilka uu baneenayay gudoomiyihii hore Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Dhanka kale mucaaradka Soomaaliya ayaa si weyn u gadoodsan howlaha baarlamaanka iyagoo ku tilmaamaya mid aan sharciyad laheyn isla markaanna muddadoodu dhamaatay 14 ka April, aysanna haysan awood ay ku shaqeeyaan.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka tiradooduna gaareyso 329 mudane ayaa ka kooban 275 mudane Golaha Shacabka 54 Senetar oo Aqalka Sare ah iyo laba xubin sharafeed oo ay leeyihiin madaxweynihii 9 aad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud oo noqday xildhibaan sharfan sanadkii 2017 ka markaas oo uu ka dagay xilka madaxweynihii 8 aad.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version