Baydhabo, Soomaaliya – Ciidamo daacad u’ah madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed ayaa aroornimadii hore ee saakay weerar ku soo qaaday magaaladda Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfurgalbeed.
Ciidamadan ayaa gudaha u soo galay magaaladda iyagoo ciidamadda dowladda iyo kuwa maamulka Koonfurgalbeed weerar kala hortagay, ciidamadan ayaa lagu arkay qaar ka tirsan xaafadaha magaaladda Baydhabo.
Dagaalka ayaa socday dhowr saacadood
Ciidamada Daraawiishta Koonfurgalbeed iyo kuwa dowladda federaalka ee ku sugan Baydhabo ayaase sameeyay iska cabin iyagoo ku guuleystay inay ka saaraan magaaladda iyadoo dagaalka labada dhinac dhexmaray uu kufiday banaanka magaaladda.
Wasaaradda Gaashaandhiga dowladda federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda amniga Koonfurgalbeed ayaa warsaxaadeedyo ay bogaga ay Internet ka ku leeyihiin ku sheegay in lasoo afjaray kooxihii soo weeraray magaaladda iyadoo wasaaradda Gaashaandhigu xustay in maleeshiyaad isugu jira Al Shabaab iyo kuwa taabacsan madaxweynihii hore ay Baydhabo soo weerareen.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in kooxaha weerarka soo qaaday ay ka qabsatay hub iyo gaadiid sidoo kalana dishay 30 kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday iyadoo tilmaantay in kuwa kalana ay nolosha ku qabatay.
Wasiirka amniga Koonfurgalbeed Isaaq Maxamed Isaaq oo iyadoo rasaas socoto lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in magaaladdu nabad tahay kooxihii weerarka soo qaadayna laga saaray.
Wasiirka amniga Koonfurgalbeed ayaa isbitaalka Baay Regional ku booqday askartii iyo shacabkii ku dhaawacmay dagaalka saaka kadhacay Baydhabo, iyadoo dhinaca kale aysan jirin tiro rasmi ah oo cadeyneysa dhimashada iyo dhaawaca uu sababay dagaalka.
Magaaladda Baydhabo ee gobolka Baay ayaa lakulmeysa weeraro kaga imaanaya ciidamada daacadda u’ah madaxweynihii hore ee Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo maamulkii uu hogaaminayay laga saaray magaaladda dabayaaqadii bisha March.
Ciidamadan oo kusugan daafaha iyo banaanada magaaladda Baydhabo ayaa tiro dhoer jeer ah horay usoo weeraray Baydhabo tan iyo intii laga saaray magaaladda.
Dagaalka lagu soo qaaday Baydhabo ayaa imaanaya iyadoo hogaamiyaha maamulka Sheekh Aadan Maxmed Nuur Madoobe uu ku suganyahay magaaladda Muqdisho.

