Wednesday, August 26, 2026

Jadwalka Doorashada Hoggaanka Koonfur Galbeed oo La Shaaciyay

Share

Baydhaba:Somaliya:-Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa soo saaray jadwalka rasmiga ah ee doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida ku cad jadwalka, doorashada Guddoomiyaha iyo Ku-xigeennada Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa dhici doonta 4-ta Juun 2026, kaddib marka la soo gabagabeeyo qabashada iyo diiwaangelinta musharraxiinta.

Dhanka kale, doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa loo muddeeyay 10-ka Juun 2026, iyadoo musharraxiinta xilkaasi ay mari doonaan marxalado ay ka mid yihiin diiwaangelin, shaacinta liiska musharraxiinta iyo hadal-jeedinta ololaha doorashada.

Jadwalkan cusub ayaa qayb ka ah geeddi-socodka doorashooyinka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay si rasmi ah u billowdaan diyaar-garowga iyo ololayaasha musharraxiinta u tartamaya xilalka ugu sarreeya maamulkaasi.

Hoos Ka Akriso Jadwalka.

Read more

Local News