Wednesday, November 4, 2026

Madaxweynihii Hore ee Galmudug Oo Xilka Wareejiyay

Share

Dhuusamareeb, Galmudug — Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa xilka ku wareejiyay hogaamiyaha dhawaan loo doortay dowlad goboleedka Galmudug Liibaan Axmed Xasan.

Madaxweynihii hore Axmed Qoor Qoor oo shalay soo gaaray magaaladda Dhuusamareeb ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay hogaamiyaha cusub ee Galmudug kaas oo la filayo in maalinka barrito ah lagu caleema saaro caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Liibaan Axmed Xasan iyo ku xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Aadan Garyare ayaa Khamiista todobaadkii hore ku soo baxay doorasho ka dhacday magaaladda Dhuusamareeb iyagoo xafiisyada ugu sareeya maamulka Galmudug kala wareegaya madaxweynihii hore iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

Masuuliyiin kala duwan oo kasocda heer federaal, heer dowlad goboleed iyo marti sharaf kale ayaa ku sii qulqulaya magaaladda Dhuusamareeb si ay uga qeybgalaan caleema saarka hogaanka cusub ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ee maanta xilka wareejiyay Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir ayaa ka arriminayay dowlad goboleedka Galmudug muddo ku siman 6 sano iyo sagaal bilood iyagoo ku yimid doorasho ay garwadeen ka aheyd dowladda federaalka ee xilligaas ka arrimineysay dalka.

Madaxweynaha xilka baneenaya ee Galmudug oo hadal jeedin kooban sameeyay kadib xil wareejinta ayaa sheegay, “Inuu kalsooni ku qabo howlihii socday iyo kuwii qabyada ahaaba uu halkaas kasii wadi doono hogaamiye Liibaan, sidoo kalana bulshada reer Galmudug dal iyo dibadba garab istaagaan hogaamiyahooda.”

Qaar kamid ah masuuliyiinta ugu sareeya dalka ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda gaaraan Dhuusamareeb oo ay ka socoto qabn qaabada munaasabadda caleema saarka madaxda cusub ee la wareegtay talada Galmudug.

Read more

Local News