Home Federaalka Taliska Laftagareen oo amar qalafsan siiyey ciidamo uu geeyay garoonka Baydhabo

Taliska Laftagareen oo amar qalafsan siiyey ciidamo uu geeyay garoonka Baydhabo

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidamo dheeri ah geeyay garoonka Baydhabo kahor safarka xubnaha isbadal doonka.

Askarta lagu kordhiyey ciidankii horey u joogay madaarka ayaa tiradooda waxaa lagu sheegay ku dhowaad 40. Illo wareedyo ayaa u sheegay Arlaadi Media Network in ciidankan isugu jiraan Daraawiish iyo Boolis heer federaal ah.

Gaashaanle Dhaxe Xuseen Keerow Xasan, taliyaha Laanta ilaalinta Canshuuraha Booliska gobolka Baay, ayaa hogaaminaya askartan cusub.

Amiin Mad-daruur, taliyaha booliska gobolka Baay oo shalay u khudbeeyay ciidankan, ayaa siiyay amar qalafsan.

Amarkaas waa fulinta amar kasta oo la siiyo dil ama qabasho iyo in ay maalin kasta sameeyaan roondo gudaha garoonka.

Dhanka kale, hogaanka muddo xileedkiisa uu dhamaadey ee Koonfur Galbeed ayaa garoonka diyaaradaha Baydhabo waxa uu kasoo celiyay sarkaal boolis kaas oo ka dhoofay magaalada Muqdisho.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah xadgudubyada dastuuriga ah ee taliska Laftagareen ku kacayo.

Dhaqdhaqaaqyada adkeynta amniga ayaa bilaabatay markii xubnaha isbadal doonka ay shalay ka dhoofeen Muqdisho ayna ka dageen Dhuusamareeb halkaas oo ay kula soo shireen madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version