Home Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay qarax ka dhacay Turkiga

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay qarax ka dhacay Turkiga

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul waxa uu u cambaareeyay qarax is-miidaamin oo maanta ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayu uku sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku garab-taagan tahay Turkiga ciribtirka argagixisadda.

“Falkan fuleynimada ah ee lagu waxyeeleeyay dadka shacabka ah waxa uu sii xoojinayaa go’aankeena la dagaalanka argagixisadda,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Labo askari ayaa ku dhaawacantay qaraxan oo ka dhacay afaafka hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Turkiga oo ku taalla magaaladda Ankara.

Dhaawacan ayaa waxaa la sheegay in uusan ahayn mid halis ku ah badbaada labadan askari.

Turkiga ayaa dagaal ba’an waxa uu kula jiraa kooxda PPKK oo u badan bulshadda Kurdiyiinta kuwaas oo taageersan wadaadka Fatxulah Gullan oo ku nool Mareykanka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Exit mobile version