MUQDISHO, Soomaaliya – Xubnaha isbedel doonka Koonfur Galbeed ayaa magaaladda Muqdisho waxa ay kula kulmeen Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Muktar Mohamed.
Shirkan ayaa looga qorshaha safarka xubnahan Baydhabo ee 5-ta October iyo dhexdhexaadnimada ciidamadda Itoobiya ee kamid ah ATMIS si aysan u faragelin khilaafka siyaasadeed iyo doorashada.
Madaxda Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa labadii maalmood lasoo dhaafay waxa ay kulamo kala duwan la qaateen safaaradaha Ingiriiska iyo Mareykanka.
Safaaradda Mareykanka ayaa si gaar ah waxa ay sheegtay in ay taageereyso sidii doorashadda Koonfur Galbeed u noqon lahayd mid daahfuran oo ay u siman yihiin murashaxiinta.
Kulamadan ayaa waxa ay madax-xanuun siyaasadeed ku rideen madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Cabdicasiis Laftagareen kaas oo ku jiray maalmihiisii u dambeeyay xukunka.
