Thursday, August 27, 2026

Farmaajo oo ka hor-yimid qorshe uu maagan yahay Xasan Sheekh

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ka hor-yimid in wax laga badalo dastuurka iyo hanaanka baarlamaaniga ah ee dalka.

“Waxaan si dhow ula soconnaa dhaqdhaqaaqyada ku aaddan wax ka beddelka qaabka dowladnimada, hanaanka baarlamaaniga ah, habka doorashooyinka qof iyo codka ah iyo hannaanka xisbiyada badan. Wax ka bedelka qodobadaas oo aan loo marin wadada saxda ah waxay keeni karaan in dalku uu dib ugu noqdo xasilooni darro iyo hubanti la’aan,” ayuu yiri.

Baarlamaanka ayuu ugu baaqay in ay ka feejignaadan ansixinta qorshahan halista ah oo ay hormuud u yihiin hogaanka dowladda federaalka ee haatan xilka haya.

Dhanka kale, Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku baaqay in la dhageysto cabashadda maamulka Puntland isla markaana dib loogu soo celiyo fadhiyada golaha wadatashiga.

“Waxaan garowsannahay ahmiyadda ay leedahay in la maqlo codka Dowlad Goboleedka Puntland oo ka maqan Madasha Wadatashiga Qaran si loo xaqiijiyo matalaaddooda ku aaddan arimaha masiiriga ah, taas oo aan looga maarmayn dawlad dhiska Soomaaliya,” ayuu xusay.

Ugu dambeyn, Farmaajo ayaa waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed xaq u leeyihiin in ay doortaan hogaankooda balse loo baahan yahay in loo maro wadada saxda ah.

“Shacabka Soomaaliyeed xaq ayey u leeyihiin in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, si xor iyo xalaal ah oo daahfuran, waafaqsanna xeerarka iyo shuruucda dalka,” ayuu kusoo afmeeray hadalkiisa.

Read more

Local News