BUUR-HAKABA – Ugu yaraan hal qof ayaa lagu waramay in u uku geeriyoodey kadib markii biriq ay ku dhacdey degaanka Korow-ay-Dhuubey oo hoostaga Degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay.
Qofka dhintay ayaa waxaa lagu sheegay in ay da’diisu tahay tobban sano jiray. Sidoo kale, waxaa lasoo wariyay in ay dhaawacmeen ugu yaraan labo qof kale oo rag ah.
Illo dadka degaanka ah ayaa u sheegay Arlaadi Media in biriqdan ay sidoo kale waxyeelo burbur u badan gaarsiisey goobo guriyo la dagan yahay balse aysan jirin dad ku dhintey.
Biriqa ayaa yimid kadib markii uu degaanka Korow-ay-Dhuubey uu ka da’ay toob xoogan oo muddo sacado ah socday isla markaana biyo badan dhigay qaybo kamid ah magaalada.
Soomaaliya waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka curtey roobka dayrta kaas oo horey loosie saadaaliyey in uu wadan karo musiibooyin rabaani ah loona baahan yahay taxadar.
