Friday, October 23, 2026

Wasiir Fiqi iyo Xoghayaha Jaamacada Carabta Aboul Gheit oo kulan xasaasi ah ku yeeshay dalka Masar

Share

Masar – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga, Axmed Macallin Fiqi oo hadda ku sugan dalka Masar, ayaa la kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit.

Sidoo kale, kulan dhax maray wasiirka iyo Xoghayaha Jaamacadda Carabta ayaa waxa ay uga wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga, isku duwidda iyo adkaynta taageeridda qarannimada Soomaaliya.

Intii kulanka lagu guda-jiray, Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta taageerada Jaamacadda ee joogtada ah iyo garab-istaaggeeda dhowridda midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.

Dhanka kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay qotodheeraynta iskaashiga iyo xoojinta ujeedooyinka wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta u dhexeeya, iyadoo si firfircoon looga shaqaynayo dejinta istiraatiijiyado wax ku ool ah oo looga hortago caqabaha heer gobol, waxaa sidoo kale kulanka lagu faaqiday xaalidihii ugu dambeeyay gobolka geeska afrika iyo mowqifyada caalamiga ee labada dhinac muhiimadda gaarka ah u leh.

Read more

Local News