MUQDISHO – Masar ayaa cambaareysay weerarkii Sabtidii shalay ahayd ka dhacay magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
“Masar waxay xaqiijineysaa garab istaaga buuxa ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna taageereysaa dhammaan dadaallada loogu talagalay la dagaallanka argagixisada, xaqiijinta amniga, iyo soo celinta xasilloonida,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar Sabtidii.
Shan qof ayaa ku dhintay 10 kalena way ku dhaawacmeen qarax oo Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska iyo goobjoogayaal.
Qaraxa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay agagaarka Tiyaatarka Qaranka, oo qiyaastii hal KM u jira xafiiska madaxweynaha.

