MUQDISHO – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxa uu kulan kula qaatey Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Cevdet Yılmaz, iyagoo ka wada hadlay xiriirka wanaagsan ee labada Wadan iyo amniga Gobolka.
Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir taariikhi ah kaas oo isku bedeley mid labada Dal ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada dhanka dhaqaalaha, amniga iyo horumarka labada dhinac.
“Waxaan ka wada hadalney xiriirka wanaagsan ee labada dal iyo amniga gobolka. Türkiye iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya xiriir wlaalnimo oo taariikhi ah kaas oo isku bedeley mid istiraatiiji ah,” ayuu yiri.
