Bissau Guinea Bissau – Milatariga dalka Guinea Bissau  ayaa sheegay inay sibuuxda gacanta ugudhigeen maamulka dalka kadib markii doorashooyin lagu muransanyahay dalkaasi kadheceen iyadoo murashaxiinta ugu saraysa ay guulo kala sheegteen.
Milatariga xukunka Guinea Bissau lawareegay ayaana siidaayay warqad ay kusheegeen inay joojiyeen doorashadii socotay, isla markaana ay xiranyihiin dhamaan cirka, dhulka badda iyo xuduudaha dalka Guinea Bissau.
Dhaqdhaqaaqa ay milatarigu sameeyeen ayaa yimid kagadaal markii dhawaqa xabado isxigxiga laga maqlay xarunta gudiga doorashooyinka, Qasriga madaxtooyada iyo Wasaaradda arrimaha Gudaha iyadoo natiijada doorashada madaxweynaha lafilayay in lagu dhawaaqo maalinimada Khamiista ah ee ina soo doo aadan.
Madaxweynaha talada haya ee Umaro Mokhtar Sissoco Embaló iyo ninka sida adag ula loolamaya ee rival Fernando Dias ayaa si isku mid ah usheegtay inay kuguulayteen doorashada, Mr Embaló ayaa hora yuga badbaaday 2 isku day oo ladoonayay in xilka lagaga tuuro dabayaaqadii December 2023 ka.
Sida ay kuwarantay warbaahinta AFP boqolaal dad ah ayaa cagahooda kaga baxsanaya iyagoo raadinaya goobo ay kaga gabaadsadaan xabadaha.

Wararka laga helayo dalka Guinea Bissau ayaa intaa kudaraya in Madaxweyne Embaló iyo tiro Wasiiro ah xabsiga loo taxaabay, dalka Guinea Bissau oo xornimada qaatay sanadkii 1974 ta ayaa ah dal ay kubadanyihiin afgambiyada iyoo ay 9 afganbi kadheceen tan iyo 1980 kii.
Guinea Bissau ayaa ah dal ay kunoolyihiin 2 million oo ruux iyadoo dalkaan lagu tiriyo midkamid ah dalalka ugu faqiirsan caalamka.

