Kismaayo, Soomaaliya- Shirka Aaya katashiga Soomaaliya oo maalmihii lasoo dhaafay kasocday magaaladda Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubaland ayaa soo gabagaboobay iyadoo laga soosaaray warmurtiyeed kakooban 17 qodob.
Intii uu socday shirkan looga hadlayay Aaya katashiga Soomaaliya masuuliyiintii kasoo qayb galay ayaa doortay hogaan cusub, madasha samatabixinta Soomaaliyeed iyo maamulada Puntiland iyo Jubaland ayaa samaystay madal ay ugu magac dareen Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo kakooban sagaal qof, doodo dheer kadib waxaa laguda galay qaab dhismeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxaana gudoomiye ay udoorteen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed.
Warmurtiyeedka ay soo saareen golaha mustaqbalka Soomaaliyeed oo kakoobnaa 17 qodob, ayaa udhignaa goodis iyo baaq ku aadan sidii wax looga badali lahaa xaalada siyaasadeed ee dalka, golaha ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in muddo bil gudeheed ah isugu yeero saamilayda siyaasadeed si looga heshiiyo doorasho xiligeeda kudhacda.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay diyaar uyihiin inay madaxweyne Xasan Sheekh kala xaajoonayaan sidii Soomaaliya looga qaban lahaa doorasho heshiis lagu yahay, daah furan kana horumarsan tii 2022 ka.
Muddo xileedka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah mid ay ka harsantahay shan bilood oo kaliya, halka uu sii idlaanayo muddo xileedka baarlamaanka Soomaaliya.
Hase yeeshee dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay kudoonayso inay kuhirgaliso nidaam doorasho qof iyo cod ah, iyadoo maalinta Khamiista inasoo aadan ah caasimadda Muqdisho lagu qabanayo doorashada golayaasha deegaanka gobolka Banaadir halkaasoo lafilayo in kumanaan qof oo is diiwaan galiyay ay codkooda kadhiibtaan.
War murtiyeedka golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa doorashooyinka deegaanka gobolka Banaadir inay inay kuwa ay hal koox wadato laguna kala qaybinayo shacabka gobolka Banaadir sidoo Kalana lagu duudsiinayo xaqii ay lahaayeen, sidoo Kalana aan heshiis lagu ahayn maqaamka Caasimadda Muqdisho.

