Thursday, August 27, 2026

Masar Oo Itoobiya Ka Taageereysa Sidii Ay Kugaari Laheyd Badda Cas

Share

Cairo, Egypt – Dowladda dalka Masar ayaa diyaar u’ah inay kala shaqeyso xulafadeeda Afrika sidii ay gacan uga geysan lahaayeen xaqiijinta helitaanka Badda Cas ee Itoobiya, waa haddii Addis Ababa ay muujiso dabacsanaan ku aaddan murankeeda biyaha wabiga Niil ee kala dhexeeya Masar iyo Sudan.

Soo jeedinta Masar ee gaarida Badda Cas ee Itoobiya ayaa la gaarsiiyay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali todobaadkii hore, iyo sidoo kale madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo Donald Trump uu horay ugu dhawaaqay inuu doonayo inuu dhexdhexaadiyo muranka tobanka sano socday ee ku saabsan saamiga muhiimka ah ee Masar ee biyaha Niil ka dib markii Itoobiya ay biyo xireen ka dhistay biyo-xireenka ugu weyn webiga – Blue Nile kaasoo lagu magacaabo Gerd.

Dalabkan ayaa waxaa ku jira digniino si dadban u sheegaya in Masar ay isticmaali doonto awooddeeda siyaasadeed iyo militari ee muhiimka ah ee Suudaan, Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo sidoo kale joogitaankeeda ciidanka badda ee xooggan ee Koonfurta Badda Cas, si ay u xannibto marin u helidda Addis Ababa ee dekedaha dalalkaas haddii ay Itoobiya diido dalabkeeda.

Ma jirin wax hadal jawaab degdeg ah oo laga helay dhinaca Addis Ababa ama Qaahira oo ku saabsan dalabka Masar, laakiinAbiy Axmed ayaa ku nuuxnuuxsaday shir jaraa’id oo wadajir ay uqabteen Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan in uu dalkiisa si weyn ugu baahan yahay gaarida Badda Cas.

Read more

Local News