Thursday, August 27, 2026

Askar Ku Geeryootay Shil Diyaaradeed Kadhacay Doha

Share

Doha, Qatar – Wasaaradda Gaashaandhigga ee Turkiga ayaa Axaddii sheegtay in diyaarad Helicopter oo ay leeyihiin ciidamada qalabka sida ee Qatar ay ku dhacday badda, iyadoo ku jirtay howl tababar oo ka tirsan hoggaanka ciidamada wadajirka ah ee Qatar iyo Turkiga, taas oo la rumeysan yahay inay sabab u ahayd cilad farsamo.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Howlgal badbaadin iyo raadin ah ayaa isla markiiba la bilaabay, waxaana la helay burburka diyaarada iyo meydadka dadkii ku dhintay”.

Waxay sidoo kale sheegtay: in shilka ku dhinteen afar ka mid ah ciidamada qalabka sida ee Qatar, hal askari oo ka tirsan ciidamada Turkiga, iyo laba farsamayaqaan oo ka socday shirkadda Aselsan oo saarnaa diyaaradda.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in sababta dhabta ah ee shilka lagu ogaan doono baaritaan ay sameyn doonaan hay’adaha Qatar.

Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga Qatar ayaa sheegtay inay ku dhawaaqayaan in iyadoo ay socdaan howlaha raadinta iyo badbaadinta ee shaqaalaha iyo dadkii saarnaa diyaaradda Helicopter-ka ee loogu talagalay qaadista dadka, taas oo subaxnimadii hore ku dhacday biyaha dalka Qatar, la xaqiijiyay iney ku geeryoodeen Kabtan (duuliye) Mubarak Salem Duwai Al-Marri, Sarkaal Fadh Hadi Ghanem Al-Khiyareen, Wakiil Carif Mohamed Maher Mohamed oo ka tirsanaa ciidamada qalabka sida ee Qatar, iyo Ra’iisul Sare Sinan Tashtakin oo ka tirsanaa ciidamada wadajirka ah ee Qatar iyo Turkiga.

Read more

Local News