Friday, August 28, 2026

Israa’iil Oo Weerar Ku Qaaday Tehran

Share

 

Tehran – iran Israa’iil ayaa weerar ku qaaday Tehran, halka Ciidanka Ilaalada Kacaanka ee Iiraan oo ku hanjabeen inay si la mid ah uga jawaabi doonaan, markii dagaalka Maraykanka iyo Israa’iil ee ay ka wadaan Iiraan uu galay maalintii 24-aad, waxaa sii socota kor u kaca iyo isweydaarsiga duqeynta, iyadoo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan ay ku dhawaaqeen inay fuliyeen duqeyntii 75-aad ee gantaalaha, kadib markii Xisbullah uu weerarro dhowr ah ka fuliyay woqooyiga Israa’iil.

Saacadihii ugu dambeeyay weeraro culus ayaa gaaray qeybo kala dwan ee dowlada Iiraan oo ka mid ah magaalda Abres oo ku taala woqoyga galbeed ee Iiraan weerarkaasii oo sababay 6 dhimasho iyo 6 dhaawac kadib markii la beegsaday beer iyo dhismo shacab ku sugnaay.

Warbaahinta Israa’iil ayaa xaqiijisay in 8 goobood ay waxyeello soo gaartay ka dib markii ay ku dhaceen gantaalo ka yimid Iiraan, waxaana la shaaciyay in 48 askari oo Israa’iil ah ay dhaawacmeen tan iyo bilawgii howlgalka dhulka ee koonfurta Lubnaan.

Wariyayaal Al-Jazeera ka tirsan ayaa sheegay in la maqlay qaraxyo iyo hawlgal ciidamada difaaca hawada Iiraan ka socota. Dawladaha Khaliijka, Kuwait iyo Imaaraadka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarro ee ay ku soo qaaday dowlada Iiraan.

Dhanka kale madaxweynaha  Maraykanka Donald Trump iyo ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa ka wada hadlay xaaladda Bariga Dhexe iyo baahida loo qabo in Marinka Hormuz dib loo furo, iyada uu soo dhawaaday wakhtigii madaxweynaha Maraykanka u qabtay Tehran si ay u furto Marinka Hormuz.

Read more

Local News