Abu Dhabi, UAE – Maamulka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in dab ka kacay meel u dhow xarunta nukliyeerka Barakah uu sababay drone lagu tuhmayo in ay soo direen Iran ama kooxo la shaqeeya.
Dabku wuxuu ka dhacay bannaanka xarunta Nukliyeerka Barakah. Ma jirin wax dhaawac ah ama shucaac nukliyeer, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.
Xiisaddu waxay timid xilli xasaasi ah oo wada-hadallada Iran ay hakad galeen. Madaxweynaha Donald Trump ayaa ka digay in xaaladdu ay sii xumaan karto.
Wasiirka arrimaha dibadda UAE Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa la hadlay dalal gobolka ah. Sacuudiga ayaa cambaareeyay weerarka, halka xogta sidoo kale lala wadaagay International Atomic Energy Agency.
Dowlada Imaaraadka ayaa sheegtay in drones-ku ay beegsadeen qalab koronto oo dibadda xarunta ah. Baaritaan ayaa socda si loo ogaado halka ay ka yimaadeen.

