Baydhabo, Soomaaliya – Golaha wasiirada ee maamulka Koonfurgalbeed ee uu dhawaan soo dhisay hogaamiyaha maamulka ayaa maanta lagu dhaariyay magaaladda Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfurgalbeed, iyadoo uu ka qeybgalay Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Hogaamiyaha Maamulka Koonfurgalbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa hadal jeedin ka sameeyay munaasabad lagu dhaarinayay golaha wasiirada maamulka Koonfurgalbeed ee uu dhawaan soo magacaabay.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu hambalyeeyey xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada xilka loo igmaday, isagoo ku boorriyey inay mudnaanta siiyaan dardargelinta adeegyada bulshada, adkeynta amniga, horumarinta dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee dowladda.
Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa xusay in Golaha Wasiirrada cusub laga filayo wadajir, isla-xisaabtan iyo hufnaan, si loo xaqiijiyo himilooyinka Dowladda Koonfur Galbeed iyo adeeg hufan oo shacabka lagu gaarsiiyo.
Sheekh Aadan ayaa u mahadceliyey Gudoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanada sida ay u aqbaleen ansixinta Xubnaha Golaha Wasiirada si loo dardargeliyo Howlaha shaqo ee horyaala xukuumadda.
Golaha Wasiirada Koonfurgalbeed ee maanta ladhaariyay ayaa dhameystir u noqonaya geedi socodka maamulka cusub ee Koonfurgalbeed ee soo bilowday dabayaaqada bishii March ee sanadkaan, markaas oo meesha laga saaray maamulkii ka arriminayay deegaanada Koonfurgalbeed todobadii sano ee la soo dhaafay.

