London, UK – Ra’iisulwasaarihii Ingiriiska Keir Starmer ayaa si rasmi ah maanta isaga casilay xilka ra’iisulwasaaranimo ee Ingiriiska kaa oo uu hayay tan iyo sanadkii 2024 ka, kadib markii Boqor Charles ka sadexaad uu aqbalay iscasilaadiisa, sida uu sheegay Qasriga Buckingham.
Starmer oo jeediyay khudbadiisii ugu dambeesay ayaa sheegay in shaqadiisu dhammaatay isagoo kusugan afaafka hore ee wadada 10 Downing Street.
Keir Istarmer ayaa u rajeeyay guul ra’iisulwasaaraha badalaya ee Andy Burnham, ra’iisulwasaare Keir Istarmer ayaa dhanka kale u mahad celiyay shaqaalaha Downing Street iyo xaaskiisa Victoria taageeradooda.
Hogaamiyaha Xisbiga Shaqaalaha, Andy Burnham, ayaa noqday ra’iisul wasaaraha cusub ee Ingiriiska, sida uu xaqiijiyay Buckingham Palace Isniinta maanta ah.
Ra’iisulwasaaraha cusub Andy Burnham ayaa u tagay qasriga Buckingham Palace kadib is casilaada ra’iisulwasaarihii ka horeeyay ee Keir Istarmer.
Intii lagu guda jiray kulan uu Andy Burnham la yeeshay boqorka Ingiriiska ayaa laga codsaday inuu dhiso xukuumad cusub.
Khudbaddiisii ugu horreysay ee uu jeediyay isagoo ah ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, Burnham wuxuu sheegay inuu dejin doono qorshe cusub oo 10 sano ah oo dalka oo dhan ah.
Andy Burnham ayaa carabka ku adkeeyay in Donald Trump iyo Volodymyr Zelensky ay noqon doonaan kuwa ugu horeeya uu wicitaan la yeesho marka uu xafiiska la wareego.
Ingiriiska ayaa muddo 10 sano gudohood ah 6 ra’iisulwasaare iska casishay xilka ay hayeen laga soo bilaabo David Cameron ilaa Keir Istermer uu u dambeeyay.

