Thursday, August 27, 2026

Iiraan Oo Kadigtay Aargoosiga Weerarada Mareykanka Aysan Noqon Doonin Kuwa Xadidan

Share

Tehran, Iran – Iiraan ayaa ku hanjabtay in ay si degdeg ah u weerari doonto saldhigyada Maraykanka iyo maraakiibta diyaaradaha si ay uga jawaabaan weerar kasta oo kaga yimaada, ka dib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ka digay in waqtigu ka dhammaanayo Tehraan si ay ula gasho heshiis nukliyeer ah, iyadoo sidoo kale Midowga Yurubna liiska madow ku dartay Ilaalada Kacaanka kuna tilmaantay urur argagixiso.

Afhayeenka militariga Iran Brigadier General Mohammad Akraminia ayaa u sheegay telefishinka qaranka in diyaaradaha xamuulka qaada ee Mareykanka ay leeyihiin Nuglaanyo halis ah iyo in hanti badan oo militariga Mareykanka uu ku leeyahay gobolka Khaliijka ay ku jiraan inta u dhexeysa gantaalada riddada dhexe
xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay wada xaajoodyo kusaabsan hubka Nukliyeerka Nukliyeerka si looga fogaado qalalaase cawaaqib xun ku yeelan kara gobolka.

Hoggaamiyaha Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Madaxweynaha Iran Masoud Pezeshkian ayaa yeeshay wada hadal taleefan ayagoo kadooday dadaalada lagu xiisadda laguna badalayo xasilooni kudhisan.

Turkiga ayaa sidoo kale lafilayaa inuu hindise dhexdhexaadin ah hordhigo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abass Aragchi inta lagu guda jiro booqashada uu ku joogo Ankara si uu u gaarsiiyo dowladiisa, sida ay kuwarameen warbaahinada Turkiga.

Dalal dhowr ah oo kuyaala Bariga dhexe ayaa iyaguna waday dadaalo lagu qaboojinayo xiisada Iiraan iyo Mareykanka inaanay isu badalin gacan kahadal kuwaas oo ay kamid yihiin Masar, Sacuudiga, Qatar iyo Cumaan, iyagoo bixinaya dadaal halkii ugu sareeyay si looga baaqsado iskahor imaad dhexmara Mareykanka iyo Iiraan.

Kaliya intaan kuma eka dadaalo kale oo dheeri ah ayaa socda kuwaas oo lagaga hortagayo khatarta dagaal dhex mara labada dal.

Read more

Local News