Thursday, August 27, 2026

Erdogan Oo Gaaray Riyadh Kulamana Laleh Boqor Salman Ka Sacuudi Careebiya

Share

Riyadh, Saudi Arabia ____ Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa gaaray magaalada Riyadh ee caasimada boqortooyada Sacuudi Carabiya maanta oo talaada ah waxaana gagida diyaaradaha Riyadh kusoo dhaweeyay Amiir Faysal Bin Bandar kahor inta aan loo galbin qasriga boqortooyada.

Booqashada uu Erdogan kugaaray Sacuudi Carabiya ayaa ah mid uu isugu marayo dalalka Sacuudiga iyo Masar, waxa uuna Sacuudiga gaaray isagoo ay lasocdaan wafti wasiiro iyo ganacsato isugu jira, booqashada Erdogan ee Sacuudiga ayaa daaran sidii loo balaarin lahaa sarena loogu qaadi lahaa xiriirka kadhexeeya labada dal ee Sacuudiga iyo Turkiga iyo iskaashiga arrimaha gobolka.

Erdogan ayey booqashadani  u tahay tii ugu horeysay uu kugaaro Sacuudiga tan iyo bilowga sanadkaan waxayna kusoo aadeysaa xili labada dal ee Sacuudiga iyo Turkiga ay si isku mid ah uwajahayaan khataro isku mid ah oo ay ugu horeeyaan is balaarinta siyaasadeed ee Israa’iil iyo dagaalka Mareykanka iyo Iiraan.

Turkiga iyo Sacuudi Carabiya, oo u taagan sidii laba waddan oo muhiimka u’ah Bariga Dhexe, taa oo sii xoojinaysa xiriirkooda taariikhiga ah iyo xididdada qotoda dheer iyaga oo sii kordhaya tirada booqashooyinka is-dhaafsiga ah ee heerkoodu sarreeyo sannadihii u dambeeyay.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah, “Madasha Ganacsiga Sacuudiga iyo Turkiga” waxaa soo qaban qaabiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Guddiga Xiriirka Dhaqaalaha Dibadda ee Turkiga (DEIK).

Todobaadki hore golaha wasiirada Sacuudiga ayaa u fasaxay wasaaradaha ay khuseyso inay heshiisyo ku saabsan tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo difaaca madaniga ah ay la galaan Turkiga, waxayna sidoo kale ansixiyeen heshiis is afgarad ah oo ku saabsan iskaashiga adeegyada bulshada ee labada dal.

Turkiga iyo Sacuudiga oo xiriir diblumaasiyadeed la sameystay saxiixii heshiiska saaxiibtinimo ee 1929-kii, waxay dhisteen xiriir xooggan muddo qarni ku dhow iyadoo loo marayo booqashooyin is-dhaafsi heer sare ah iyo ururro goboleed sida Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Read more

Local News