Muqdisho – Gudiga loo xil saaray qabashada doorashada kursiga gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saaray jadwalka doorashada gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Gudigan oo ay shalay magacowday sii hayaha gudoomiyaha Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Samatar oo ka kooban 9 qof ayaa maantaba guda galay shaqada loo magacaabay ee kashaqeynta doorashada gudoomiyaha Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ee banaanaaday horaantii bisha June markaas oo gudoomiyihii Golaha ee afartii sano ee lasoo dhaafay hayay loo doortay hogaamiyaha maamulka Koonfurgalbeed.
Gudiga oo kulankoodii koowaad ku yeeshay xarunta gudiyada iyo gudoonka golaha ee Villa Hargeysa ayaa ugu horeyn iska dhex doortay gudoomiye iyagoo xildhibaan Cabdirisaaq Cumar u doortay inuu noqdo gudoomiyaha gudiga. Gudiga ayaa sidoo kale soo saaray shuruuc ay marayaan murashaxiinta dooneysa inay u tartamaan gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Murashaxiinta u tartameysa xilkan Ayaa laga qaadi doonaa lacag dhan $ 30,000, halka dumarka u taagan qabshada xilkan iyagana laga qaadi doono $15,000.
Gudiga doorashada kursiga gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sidoo kale murashaxa u tartameya jagada gudoomiyaha golaha hordhigtay inuu ka noqdo hadii uu heysto jinsiyada dalkale.
Gudiga ayaa go’aan ka gaaray waqtiga laqabanayo doorashada kursiga gudoomiyaha Golaha Shacabka iyagoo 10 August oo ku beegan Isniinta todobaadka dambe u’asteeyay qabashada doorashada kursiga Gudoomiyaha Golaha Shacabka.
Geesta kale xubno kamid ah murashaxiinta u tartameysa xilka gudoomiyaha golaha oo isbaheysi sameystay ayaa dhaliilay hanaanka uu gudigan ku shaqeynayo.

