Baraawe (Arlaadi) – Ciidamo ka socda dalka Uganda oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ku wareejiyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) shan xero oo militari oo ku yaalla aagga Baraawe. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha kala-guurka amniga, kaas oo ujeedkiisu yahay in si tartiib-tartiib ah mas’uuliyadda amniga loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya.
Munaasabadda wareejinta ayaa ka dhacday xarunta Guutada 45-aad ee ciidamada Uganda oo ku taal Embresso. Waxaa hoggaaminayay taliyaha guutada, Korneyl Dr. Justus Musenene, isagoo matalayay Taliyaha Qaybta 1-aad, Sarreeye Guuto Jackson Kayanja.
Shanta xero ee militari ee lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya ayaa kala ah: Baraawe Embresso, Baraawe Knoll, Wadada Kismaayo, Dekedda, iyo Garoonka Diyaaradaha. Sida lagu sheegay warbixinta AUSSOM, dhammaan shanta xero ayaa si buuxda u shaqeynayay xilligii wareejinta.
Korneyl Musenene ayaa u mahadceliyay dadka reer Baraawe, isagoo ku ammaanay taageerada ay siiyeen ciidamada Uganda intii ay joogeen aaggaas. Wuxuu xusay in wareejinta xerooyinkan ay muujinayso awoodda hawlgal ee sii kordheysa iyo diyaargarowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wuxuu ku boorriyay ciidamada Soomaaliya inay ilaashadaan guulaha dhanka amniga ah ee la gaaray sannadihii la soo dhaafay, wuxuuna ugu baaqay bulshada deegaanka inay sii wadaan ka qayb qaadashada nabadda iyo xasiloonida aagga.
Dhanka kale, Taliyaha Guutada 23-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maxamed Axmed Cabdi, ayaa ku tilmaamay iskaashiga ka dhexeeya ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda mid taariikhi ah. Sidoo kale, wuxuu ammaanay doorka ciidamada Uganda ay ka qaateen horumarinta deegaanka iyo mashaariicda lagu taageerayo bulshada.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo ka qayb galay munaasabadda ayaa iyaguna uga mahadceliyay ciidamada Uganda doorkii ay ka qaateen ilaalinta amniga Baraawe, iyagoo ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageeridda nabadda iyo xasiloonida aagga.
Wareejinta shantan xero ee militari ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo awoodda ciidamada amniga Soomaaliya, si ay si tartiib-tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda buuxda ee amniga dalka. AUSSOM ayaa dhankeeda sii wadi doonta taageeridda qorshayaasha dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda iyo xoojinta hay’adaha amniga qaranka.

