Friday, August 28, 2026

Golaha Ammaanka oo cusbooneysiiyay muddo xileedka howlgalka ATMIS

Share

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay in Midowga Afrika uu u oggolaado in uu sii wado howlgalka nabad ilaalinta ah ee uu ka wado Soomaaliya illaa dhammaadka sanadkan.

Sidoo kale, Golaha ayaa ku baaqay in la qorsheeyo howlgalka beddelaya ATMIS, taasoo ah tallaabo muhiim u ah in dalka uu la wareego mas’uuliyadda dhanka ammaanka.

AU's Peacekeeping Force in Somalia Investigating Civilian Deaths

Qaraarkn ay soo diyaarisay Britain ayaa u fasaxaya Midowga Afrika in ilaa 12,626 askari milatari oo ay ku jiraan 1,040 booliis ay Soomaaliya usii joogaan illaa 31ka Diseembar.

Ku xigeenka safiirka Britain ee Golaha Ammaanka, James Kariuki, ayaa golaha u sheegay codeynta ka dib in “xalku uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo lagu jiro kala guurka ammaanka ee Soomaaliya.”

UK Statement by Ambassador James Kariuki at the UN Security Council meeting  on Sudan and South Sudan

Dhanka kale, Golaha Ammaanku ayaa waxa uu soo dhaweeyey war-murtiyeed 1-dii Agoosto ka soo baxay golaha Midowga Afrika soo jeedintiisa ku aaddan hawlgal taageero nabadeed oo AU-gu hoggaaminayo oo beddela ATMIS.

Read more

Local News