Friday, August 28, 2026

Turkiga oo sheegay inuu xal dheelatiran u raadinaya xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya

Share

NEW YORK – Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Aqalka Madaxtooyada Turkiga ku leeyahay Magaalada New York kula kulmay Wasiirada Arrimaha Dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie, iyo Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

War-qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in Ankara ay sii wadi doonto dadaallada ay ku dhexdhexaadinayaan Itoobiya iyo Soomaaliya,

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in Turkiga ay ka go’an tahay sidii loog gudbi ismari waaga ka dhashay heshiiskii Addis Ababa ay kula saxiixdeen maamulka gooni isu taagga ah ee Somaliland.

“Hannaanka Ankara wuu sii socdaa, waxaana go’aansannay inaan ka shaqeyno sidii loo heli lahaa xal dheellitiran, macquul ah oo labada dhinacba faa’iido u leh si loo yareeyo xiisadaha jira,” ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga tiri.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa horey labo jeer u yeeshay wadahadalo aan toos ahayn balse waxay kusoo dhamaadeen natiijo la’aan markii is-faham dhameystiran ay gaari-waayeen labada dhinac.

Read more

Local News