Hay’adda duulista Kenya ayaa shaaca kaqaaday in diyaarad siday 11 qof ay kuburburtay deegaanka Kawaala ee udhow badda Indian Occianka.
Gudoomiyaha maamulka diyaaradaha dalka Kenya Caleb Cositany ayaa tacsi udiray ehelada dadka kugeeryooday shilka diyaaradeed, waxa uuna intaa kudaray in toban daqiiqo kadib markii ay kacday uu dhacay shilka.
Maamulka diyaaradaha dalka Kenya ayaa sheegay in safarka dalxiisayaasha uu kabilaabanayay halka lagu magacaabo Diani iyagoo kusii jeeday Kichwa Tembo halkaa oo ay kutaalo Masaay Mara
Dadka dalxiisayaasha ah ee diyaarada saarnaa ayaa kalaa 8 qof oo udhalatay dalka Hungry 2 qof oo udhalatay Jarmalka iyo Kabtanka diyaarada waday oo Kenyan ahaa.
Dhinaca kale Maamulka diyaarada Airline Mombasa ayaa sheegay inay bilaabeen baaris kusaabsan shilka diyaarada iyo wixii dhaliyay.

