Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC), Danjire Ilyaas Cali Xasan, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la qaatay Marwo Rachel Pungu Luamba, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maalgashiga DRC (ANAPI).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga maalgashiga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo DRC, waxaana labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo fududeyn lahaa caqabadaha haysta ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan DRC.
Sidoo kale, waxay ka arrinsadeen qaban-qaabada Madasha Ganacsiga Soomaaliya–DRC, oo lagu wado inay kor u qaaddo xiriirka ganacsi iyo fursadaha maalgashi ee labada dal.
Danjire Ilyaas ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay door muhiim ah ka ciyaaraan dhaqaalaha iyo maalgashiga gobolka, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta ANAPI iyo Soomaaliya.


