Bissau, Guinea Bissau- Wafti heersare ah oo kasocday urur goboleedka ECOWAS oo uu horkacayay madaxweynaha Sierra Leon, Julius Maada Bio ayaa usafray Caasimadda Bissau si ay milatariga afgambiyay dalka Guinea Bissau ugala hadlaan sidii ay xukunka ugu soo celin lahaayeen gacanta dadka rayidka ah.
ECOWAS ayaa wax laga xumaado kutilmaantay afgambiga milatari, iyadoo kubaaqday in dib loosoo celiyo madaxweynihii dalka Guinea Bissau Umaro Sissoco Embaló kaasoo uduulay caasimadda Brazzaville ee dalka Congo kadib markii laxiray, taliyihii milatariga Guinea Bissau Gen. Horta Anta ayaa hogaanka uqabtay dowladda kumeelgaarka ah isagoo magacaabay gole wasiiro oo ubadnaa xulafada madaxweynihii lacayriyay.
ECOWAS ayaa Guinea Bissau kamamnuucday inay go’aan gaarto tan iyo inta xukunka dalkaas uu gacanta usoo galayo dadka rayidka ah, islamarkaana kabaxayo gacanta Milatariga.
ECOWAS ayaa uddo hal sano ah uqabatay Guinea Bissau inay kaga baxdo kumeelgaarka iyadoo shirka ECOWAS ee 14 December looga hadli doono xaaladaha dalkaas.
Qaramada Midoobay ayaa Iyana kahadashay afgambiga Milatari ee Guinea Bissau, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa kahadlay xaaladaha cakiran ee kajira dalkaas iyo siyaasiyiinta xabsiga loo taxaabay isagoo codsaday in la ixtiraamo codbixiyayaashii doorashada la afgambiyay.
Guinea Bissau ayaa tan iyo intii ay xornimada qaadatay sanadkii 1974 tii ladaalaa dhacaysay afgambiyo dhowr ah.

