Friday, August 28, 2026

Madaxweynaha Benin oo sheegay in afgembigii ay ka hortageen ciidamo daacad ah.

Share

Madaxweynaha Benin, Patrice Talon, ayaa ka soo muuqday telefishinka si uu dadka u qanciyo kadib isku daygii afgambi ee shalay halkaasi ka dhacay.

“Waxaan jeclaan lahaa inaan bogaadiyo waajibaadka ay guteen ciidamadeenna iyo hoggaamiyeyaashooda, kuwaasoo daad u noqday qaranka,” ayuu yiri Patrice Talon.

Isagoo u muuqday mid deggan, wuxuu sheegay in xubnaha daacadda u ah ciidamada ammaanku ay qaadeen tallaabooyin ku habboon oo ay kaga hortagayaan isku dayga koox yar ay ku doonayaan inay ku afgambiyaan dowladda – taasoo uu sheegay inay ka dhalan lahayd cawaaqib xun.

Waxa uu sheegay in xaaladda ay hadda gebi ahaanba gacanta dowladda ku jirto.

Dadwaynaha ayuu madaxwaynaha ugu baaqay in shaqooyinkooda ay dib ugu laabtaan.

Read more

Local News