Berlin, Germany-Ergayga gaarka ah ee Maraykanka uqaabilsan nabada Steve Witkoff ayaa lafilayaa inuu usafro dalka Jarmalka dabayaaqada todobaadkaan halkaasoo lafilayo inuu kula kulmo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo hogaamiyayaasha reer Yurub iyagoo ka qayb gali doono wareegii udambeeyay wadahadalada heerkoodu sareeyay ee ladoonayo in lagu soo afjaro dagaalka Ruushk aiyo Yukrayn.
Steve Witkoff oo kasocda Aqalka Cad ayaa dhexdhexaadinaya Ruushka iyo Yukrayn, isagoo kala hadli doona heshiiska nabada ee uu Maraykanku soo diyaariyay.
Maamulka Madaxweynaha Maraykanka oo doonaya in lasoo gabagabeeyo dagaalka daba dheeraaday ee Ruushk aiyo Yukrayn ayaa Asbuucyadii lasoo dhaafay qabtay dhowr wareeg oo wadahadalo ah, wadahadaladii lasoo qabtay ayaan laga gaarin guulo taaban karo marka laga reebo heshiisyo yar oo ay wada saxiixdeen labada dhinac.
Joornaalka Wall Street oo xogta kulanka soo wariyay ayaa sheegay in ra’iisulwasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, Madaxweynaha Faransiiska Emannuel Mackrone, iyo ra’iisulwasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ay qayb kanoqon doonaan wadahadalada.
Saraakiisha Yukrayn ayaa sheegay in maalinimadii Jimcahau uu Ruushku daqaymo cirka ah oo isdaba jog ah kagaystay Koofurta dalka Yukrayn, si lamid ah gudoomiye gobo loo Ruush ah ayaa sheegay in laba qof lagu dilay goob lagu magacaabo Saratov kadib markii duqayn diyaaradeed laga fuliyay dhismayaal ay daganyihiin dad shacab ah.
Madaxweynaha Yukrayn Volodymyr Zelensky ayaa wariyayaasha usheegay in heshiiska uu Maraykanku soo diyaariyay uu Ruushku qaadan doono isla markaasna uusan qabsan doonin goobaha ay ciidamada Yukrayn faarujiyeen inta u dhexeysa qaybta uu maamulo Ruushka ee gobolka Donbas iyo khadadka difaaca Yukrayn.

