Wednesday, August 26, 2026

DAD BEERALAY AH OO LAGU LAAYAY DULEEDKA DEGMADA WANLAWEYN.

Share

Xildhibaan Qaasime Maxamed Abuukar oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay weerar habeenimadii xalay lagu qaaday dad beeraley ah oo ku sugnaa duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaan qiyaastii 15 km u jira magaalada Wanlaweyn, waxaana lagu dilay saddex qof, halka saddex kalena dhaawac culus soo gaaray, sida uu xaqiijiyay xildhibaanka.

“Waxaa xalay saqdhexe weerar lagu soo qaaday qoys ka koobnaa lix qof, ayagoo ku sugnaa beertooda. Saddex waa la dilay, saddexda kalena dhaawac halis ah ayaa soo gaaray, waxaana hadda lagula tacaalayaa isbitaalka,” ayuu yiri Xildhibaan Qaasime Maxamed Abuukar oo u warramay warbaahinta Arlaadi Media.

Xildhibaanka ayaa cambaareeyay falkaas, isaga oo ugu baaqay maamulka Koonfur Galbeed iyo hay’adaha amniga in ay si degdeg ah u baaraan dhacdadaas isla markaana caddaalad loo helo dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Read more

Local News